{WARSANRADIO}Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kadib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xabsi ku jirey.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee waxaa socday labadii maalmood ee la soo dhaafay cadaadis lagu saarayay maamulka Hargeysa inay sii dayso Boqor Buur-Madow oo caan ka ah gobolada Waqooyi ee dalka.
Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u dhimay qaranimadda Somaliland waxana xabsiga loo taxaabay xilli uu dib ugaga soo laabtay safar uu ku tegey wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Xariga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xarigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.
Maamuladii soo maray Somaliland ayaa hore dhowr jeer u xirey Boqor Buur-Madow oo ah nin aftahan ah oo aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay.