Maxamed abuubar cabdi wasiirka waxbarashada maamulka kgs oo shir looga hadlaayey mideynta manaahijta waxbarasho ee dalka uga qeyb galey magaalada dhuusa mareeb ee xarunta maamulka galmudug ayaa manta dib ugu soo laabtey magaalada baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah maamulka kgs
Shirka looga hadlayey mideynta wax barasho ee dalka waxaa ka qeyb galey wasaaradaha wax barashada maamul goboleedyada dalka iyo wasaarada wax barashada dowlada fadaraalka iyadoo shirkaasina uu socdey mudo laba maalin ah
Wasiir maxamed abuukar ayaa sheegey in shirka muhiimadiisa uu ahaa ka hadalka sidii loo ilaalin lahaa goobaha lagu qabanaayo imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka oo dhawaan loo fariisan doono