Munaasabadaan Oo Xaraga looga jaraayey Xafiiska Cusub Ee Wasaarada Garsoorka Iyo Cadaalada Waxaana ka Soo Qeybgaley Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur)’Maamulka Gobolka Bakool’Odayaasha Dhaqanka Iyo Marta Sharaf kale.
Xafiiskaan Ayaa Waxa Uu Noqon Doonaa Mid Loogu Adeegayo ka Hortaga Tacdiyada loogeysto Haweenka Waxana Hoostagayaa Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka Koofur Galbeed.
Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada ee Maamulka Goboleedka Koofur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa siwada jir ah xariga uga jarey Iyagoo Sheegey In Shacabka Ku Nool Gobolka Bakool Ay Heli Donaan Cadaalad Iyo Sinnaan.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed (Tol) Ayaa Waxaa Uu Wasaarada Ugu Mahadcelinyey Xafiiskaan Ay Kafuratey Degmada Hudur Waxaan Uu Sheegey In Arintaan Ay Tahay Arin Mudo Badan Ay Sugayeen Shacabka Iyo Maamulka Degmada Hudur.
Maxamed Cabdi Maxamed (Tol) Ayaa Waxaa Uu Dhanka Kale Wasaarada Garsoorka Iyo Cadaalada Kg Wasiirkeeda Ka Cod Sadey In Dhamaan Degmooyinka Kale Ee Katirsan Gobolka Bakool Laga Furo Xafiisooyin Si Ay Garsoor Iyo Cadaalada Ay Ku Helaan Shacabka.