Munaasabad ay soo agaasintey wasaarada shaqada iyo shaqaalaha maamulka kgs oo baydhabo ka dhacdey waxaa ka soo qeyb galey kusimaha madaxweynaha kgs ahna wasiirka amniga xasan xuseen maxamed xubnaha labada gole ee maamulka kgs shaqaalaha dowlada iyo fanaaninta bay haaw oo goobta ku soo ban dhigey suugaan ka turjumeysa maalinta shaqaalaha aduunka.
Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maamulka kgs rooble sheikh xasan ayaa ka Hadley maalintaan iyo muhiimada ay leedahay.
Kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka amniga xasan xuseen maxamed ayaa dhamaan shaqaalaha soomaaliyeed gaar ahaana shaqaalaha kgs ugu hambalyeeyey xuska 1 may.
1 mey waa maalin loo asteeyey shaqaalaha aduunka waxaana manta oo kale guud ahaan caalamka laga xusaa munaasabado lagu weyneynayo