{WARSANRADIO}Dowladda Talyaaniga ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay illaa saddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin gaadiidka loo yaqaano BMW, kaasoo ay ku xiran yihiin qalab ka hortagga qaraxyada iyo daba galka dambiyada
Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan iyo agabyada loo isticmaalayo gaadiidka ka hortaga qaraxyada.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu wareejiyay, kaasoo uu xusay in loo adeegsanayo howlaha sugida amniga, isla markaana ay rajeynayaan inay wax badan ka badali doonaan xaalada amniga ee Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa heysan qalabkii loogu tala galay ka hortaga iyo baaritaanada qaraxyada, taasoo keenta in gaadiid waxyaabaha qarxa lagu soo xiro in magaalada uu ku qarxo.