{WARSANRADIO}Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti iyo dekeda weyn ee Magaalada Jabuuti.Kormeerka guddoomiyaha waxa ku wehlinaayay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa xarunta baarlamaanka Jabuuti kulan kula yeeshay guddoomiyaha iyo Xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada baarlamaan.
Wafdiga guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal waxa ka mid ah Xildhibaano, Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” iyo howl wadeeno ka tirsan golaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gaaray caasimada Jabuuti waxaana uu ka qeybgalayaa xuska maalinta xoriyada dalka Jabuuti oo ku beegan 27ka Bisha June.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada baarlamaan.
Wafdiga guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal waxa ka mid ah Xildhibaano, Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” iyo howl wadeeno ka tirsan golaha.
Imaanshaha Wafdiga ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki uu go’aansaday inuu ergo u diro Addis Ababa, si ay wada hadalo ula furaan dowladda Itoobiya, loona soo afjaro colaadii u dhaxeysay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu aqbalay go’aankii guddiga xadeynta Qaramada Midoobey ee sanadkii 2002, kuwaasoo Eritrea u xukmiyay dhulkii la isku hayay ee colaada ka dhalatay.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii April la soo baxay siyaasad furfurnaan iyo is bedelo uu ka hirgeliyay gudaha dalkiisa iyo gobolkaba, taasoo wax ka bedeshay hab dhaqankii Itoobiya looga bartay 20-kii sano ee u dambeeyay.
Labada dal ayaa xilligan diyaar u ah inay dardar geliyaan heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Algeria sanadkii 2000.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa u dhaxeysay colaad soo socotay muddo 20 sano, Intii u dhaxeysa 1998 illaa 2000 waxaa dhex maray mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika soo mara.
Waa wafdigii u horeeyay oo Eritrea ka socda oo gaara magaalada Addis Ababa muddo labaatan sano.