{WARSANRADIO} wargayskan ayaa aha wargayskii ugu horeeyey oo ku qoran Afka maayga oo laga soosaaro Dalka Soomaaliya kaas oo ka faalooda Arimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Deegaanka waxaana wargayskaan soosaaray Aqoonyahanada Koonfur Galbeed .
Pr.Maxamed Cali Kalaay oo kamid ah soosaariyaasha Wargayska Afmaal oo waraysi siiyey Radio Warsan ayaa ka warbixiyey
Waxaa uu sidoo kale Prof ka sheegay in wargayskan Af-Maal aqoonyahanada ka shaqaynaya ay yihiin wariyayaasha kuwaasoo uu ku sheegay in yihiin xoogga lagu xisaabtamayo in ka qaybqaataan macluumaadka lagu qorayo caddadyada wargayska Af-Maal oo Bil kasta ka soo bixi doona Baydhabo oo ah Xarunta Wargayska iyo Muqdisho oo uu ku leeyahay wargayska xarun.
Wargayska ayaa la filayaa in uu kaalin weyn ka qaadan doono dhaqangalinta qorista iyo aqrinta farta Af-Maayga taasoo iminka leh far qoran oo u baahan hirgalin iyo dabaqid iyadoo hadda kaliya fartan la isticmaalo marka lagu sheekaysanayo fariimaha msg ee ay dhalinyarada ku sheekaystaan.