Ururka dhalinyarada degmada diinsoor ee gobolka baay waxaa ay wadaan hor maro kala duwan ha noqoto is dhexgalka bulshada sida tartamo kubada cagta ah oo ay qabteen iyo amniga oo maamulka ay kala shaqeeyaan .
Ha yeeshee waxaa ay iminka ka cabaneyaan gaabsi lagu sameeyey xaqii ay ku lahaayeen maamulka goboleedka koonfur galbeed oo ay ku sheegen inuu waxba siinin ururkooda dhalinyarada ee diinsoor ka dhisan .
Gudoomiyaha ururka dhalinyarada degmada diinsoor cabdi siidey cabdi qaadir waxaa uu wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha kgs ku eedeeyey iney si siman u siinin wax yaabaha ay u baahan yihiin ururada dhalinyarada ee magaalooyinka kgs ka dhisan.
Maamulka degmada diinsoor waxaa uu si dhow ula shaqeeyaa qeybaha ururada ka dhisan diinsoor waxaana mudnaantaasi iska leh gudoomiyaha degmada diinsoor ibraahim maxamed nuur shik shigow .
Sababtaasi ayaa keentey iney isku xirmaan oo ay dhalinyarada ula shaqeeyaan maamulka degmada diinsoor.