Iyadoo shir jaraaid uu qabtey madaxweynaha dowlad goboleedka kgs shariif xasan sheikh aadan uu kaga Hadley been abuurkii laga sameeyey Khudbadiisi uu ka hor jeediyey mudaniyaasha golaha wakiilada kgs oo kal fadhigoodii 5 aad furi taankiisa uu ka qeyb galey.
Madaxweynaha khudbadiisa oo dheereyd isla markaana dhinacyo badan taabaneysey
waxaa si qaldan u faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta dalka iyagoo qorey in madaxweyne shariif xasan uu baarlamanka kgs ka hor sheegey in amisom ay ku fashilantey furitaanka wadooyinka xiran ee kgs taasi oo madax weyne shariif xasan uu ku tilmaamey in gef weyn loogu geystey oo warkiisana si kale loo dhigey .
markii u horeysey warkaasi qaldan madaxweynaha laga sheegey waxaa ka hadley mudane ka tirsan baarlamanka kgs .
bashiir ibraahim aadan Β waa mudane ka tirsan baarlamanka kgs ahna xoghayaha gudiga amniga baarlamanka kgs wareysi uu siiyey idaacada warsan waxaa uu si kulul u cambaareyey warbaahinta sida qaldan warkaasi u baahiyey isagoo xarumahaasi ku tilmaamey iney yihiin kuwo soomaalinimada ka fog oo mar walba jecel iney u gefaan masuuliyiinta dalka soomaliya .
waa qalad in masuul madaxweyne ah laga been abuuro waana mid ka fog xuryada hadalka saxaafada waa mid looga baahan yahay in mar walba si saxan u shaqeeyaan furitaankii barlamaanka waan wada joogney waana maqleyney khudbadii madaxweynaha uu jeediyey runtii kuma jirin wax dhaliil ah uu ciidanka amisom uu u jeediyey mana jirto dhaliil waqtigan amisom lagu eedeeyo sababto ah amisom gaar ahaan itoobiyaha waxa ay kgs ka qabatey waa wax lawada ogyahay ciidan walaalo aan nahayna in wax qabadkooda laga been sheegana waa qalad arintaan dhacdey ee warbahinta qaar qortey sidaan looguma aamusi doono baarlamanka kgs sharciyo ayey ka soo saari doonan waana la isaga daba tagi doonaa .
sidaaa waxaa yiri xildhibaan bashiir ibraahim aadan oo ah xoghayaha gudiga amniga baarlamanka kgs ahna xildhibaan kgs ka tirsan .