Baydhabo Somaliya{WMN}-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan uu yeeshay xalay ayaa waxa ay isku raaceen in dhimista Ciidanka AMISOM dib loo dhigo illaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kadib qoraal dheer oo ay soo saareen kulankooda ayay ku shaaciyeen arrintan.
Waxaa socday oo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey ugu dhawaaqday in ciidanka AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan dhamaadka sanadka 2020-ka, kadibna ciidanka dowladda ay la wareegaan ammaanka dalka.
Dood waqti badan socotay kadib waxay Goluhu isla garteen in dib loo dhigo ka bixitaanka iyo dhimista Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.
Sida uu qorshaha yahay 31-da May 2019-ka ayey dib u bilaaban doontaa dhimista Ciidanka AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka.
Karen Pierce oo ah Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee QM oo isagu qaraarkan u gudbiyay Golaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ku filan si ay u diyaariso Millatari awood u leh in Ciidanka AMISOM ay kala wareegaan amniga.