Baydhabo Somaliya-{WMN} Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shir madaxeedka IGAD.
Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa waxaa looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.
Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD.
Waxaa shir yeelan doona Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD oo shirkooda horudhac u yahay shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Is bedelada ka dhacay Gobolka ayaa sabab u noqday in dalalka Gobolka Geeska Afrika oo qaarkood colaad u dhaxeeyay ka heshiiyaan, isla markaana uu caadi ku soo laabto xiriirkooda, sida dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo muddo 20 sano colaad u dhaxeysay iyo dalalka Eritrea iyo Jabuuti.