Baydhabo Somaliya-{WMN}-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.
Abuukar Cabdi Abiikar oo ahaa eedeysanaha koowaad ayaa horay xukun labo sano ugu dhacay sanadkii 2016, waxaa la sheegay in markii uu xukunka u dhamaaday uu dib ugu biiray Al-Shabaab, waxaana Ciidamada Amniga ka soo qabteen Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid isaga iyo koox kale.
Sidoo kale eedeysanayaasha kala ah Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku eedeysay shantan ruux inay ka tirsan yihiin koox gaar ay ula baxeen Jugta Culus, kuwaasoo loogu tala galay inay weerareen fariisimaha Ciidamada Amniga ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ku riday eedeysanayaashan, waxaana 8 sano lagu xukumayah saddex eedeysane oo kala ah Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan 5 sano oo xabsi Ciidan ah.