Qaraxa loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo ka xoog badan kuwii hore loo arki jiray ayaa loogu xiray Gaariga xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ahaa Toyota Hilux, kaasoo keenay inuu gaariga gubto qeybta dhexe ee dadku raacaan, waxaana qabsaday dab xoog leh, iyadoo uu ku dhintay darawalkii xildhibaanka, halka uu dhaawac culus Gacanta ka soo gaaray xildhibaanka.
Dhaawaca xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa la dhigay isbtiaal Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladiisa ay tahay mid aad u culus, waxaana la tacaalaya dhaqaatiirta, iyadoo laga deyrinayo.