Baydhabo Somaliya{WMN}-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay, tan iyo horaantii bishii August oo uu dalka ka maqnaa.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Danjire Aden Hassan Aden ayaa ka wada hadly xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, ka faa’iidaysiga fursadaha waawayn ee golabalka geeska Afrika, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha uga qayb qaateen dib u dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka xilligii adduunyada inteeda kale ay u arkayeen in Soomaalidu aysan lahayn reja kale oo dawladnimo.
Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Jabuuti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageershada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, isaga oo dhawaajiyay in Jabuuti ay tahay Soomaaliya, sdioo kale Soomaaliya ay tahay Jabuuti.
Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa leh xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.
Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa 1-dii bisha August hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara, booqashadii uu dhamaadkii bishii July ku tagay Eritrea, waxaana hadalkaas uu mugdi geliyay xiriirkii labada dal, hase ahaatee dadaalo kaddib dowladda Soomaaliya ayaa ka qancisay hadalkaas dowladda Jabuuti. kaddib booqasho Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti.