Baydhabo Somaliya{WMN}- Xildhibaanadan oo hadlay ayaa sheegay in ay doonayaan in sameeyaan isbadal taariikhi ah oo ku aadan doorashada lagu wado in ay ka dhacdo KGS 17 ka November.
Cali Xasan , xildhibaanad Shukri iyo Xildhibaanad Cibaado oo hadlay waxaa ay xuseen in xildhibaanada ay garteen doorkooda iyo mas’uuliyadda ka saran go’aaminta madaxweynaha labaad KGS kaasoo markii ugu horeeyay ay dooran doonaan Xildhibaanada.
Xuseen Xasan Cabdi waa siyaasi u taagan xilka madaxweynaha KG, waxaa uu sheegay in yahay qof doonaya in uu badbaadiyo KG kana saaro dhibaatada ay dhaxashiisay wax uu ku sheegay siyaasad xun iyo hogaan aysan bulshada ku qanacsanayn.
Waxaa isa soo taray xildhibaanada isbadal doonka ah iyadoo soo ay soo dhowdahay xiliga ay dhici doonto Doorashada KGs oo ay inaga xigto maalmo, waxaana xildhibaanadan tiradooda ay ka badantahay 85 ta ee fadhiyay madashan ay xaalada ku adkanaysaa soo bixista mar kale madaxweynaha kg oo hami kaga jiro in uu markale ku soo laabto hogaanka kgs.