Baydhabo Somaliya{WMN}- Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay deeq lacageed oo gaaraysa boqol malyan oo Euro una dhiganta ($116 million) inuu ku taageerayo dowlada Soomaaliyeed iyadoo ay tahay lacagtii ugu badneyd oo ay ugu deeqdo dowlada Soomaaliya.
Ku dhowaaqista Midowga Yurub ayaa imanaysa maalin kadib markii uu Bangiga Adduunka uu sheegay in uu si toos ah ugu deeqayo lacag gaareysan siddeetan malyan oo dollar dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay;”Jawaabtan wadajirka ah waxa ay wadada u fureysa fursado cusub taasoo dalka dib u dhismaya uu ka caawin doono sidii uu u kordhin lahaa doorka uu maamulku ku leeyahay adeegyada aasaasiga ah.”
Hase yeeshee lacagtan uu Midowga Yurub sheegay inuu ugu deeqayo dalka Soomaaliya ayaa socon doonta illaa sanadka 2021.