Baydhabo Somaliya{WMN}-Iyadoo lagu wado in bisha November ee soo socota larabo in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa isa soo taraya hadal heynta ku saabsan in Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed uu isku soo sharaxayo Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaano Abuu Mansuur.
Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay abaabuleen dhalinyaro ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa waxaa lagu taageeray in Mukhtaar Roobow Cali uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Waxaa munaasabaddaas hadalo ka jeediyay dad kala duwan oo ay ku jireen aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaano Aqoon yahano Malaaqyo Abwaano iyo Hooyooyin intaas oo isugojiray Bulshada Rayadka
Hadaba waxaan idiin haaynaa khudbadiihii laga soo jeediyay Hoteelka Horyaal oo lagu qabtay xafladaas