Baydhabo Somaliya-{WMN}-Doodani ayaa ahad mid ku saabsan qabyaaladda iyo sida ay bulshada deegaanka saamayn ugu yeelatay dhan walba ee no;oshooda sida siyaasadda, waxbarashada, dhaqanka iyo guurka. Waxaa ka qaybqaadanayey dooda.
- Malaaq Maxamed Xasan Baroow, oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Golaha Malaaqyada KGS.
- Cabduqaadir Aadan Cumar, oo ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka KGS.
- Aadan Isaaq Cali, oo isna ka tirsan Dhalinyarada Degmada Baydhabo.
Waxaa dooda lagu weydiiyey 12 su’aalood oo u qornaa sidatan.
Su’aalaha ku saabsan sameynta qabyaalada iyo Faquuqa
- Waa maxey qabyaalad?
- Waa maxay qabyaalad ama in qof qabiilka uu ka dhashay dartiis uu ku waayo xaq uu leeyahay?
- Maxey saameyn ah ayey qabyaalada ku leedahay bulshada deegaanka?
- Doorka qabyaaladu ku leedahay naabad la aanta iyo buruburka dowladnimada ama khilafaadka sii socda?
- Goormaad dareentaa qabyaalada ama faquuq?
- Sidde lagu yareyn karaa sameynta tugan ee qabyaalada?
- Maxey bushadu uga gudbi kartaa qabyaalada?
- Yaa inta badan lagu eedeeyaan inay qabyaalada wadaan?
- Waa maxey xiriirka ka dhexeeya qabyaalada iyo Faquuqa?
- Qabyaaladu sameyn maku leedahay faquuqa lagu hayo bulshada qeyb kamid ah?
- Siddee looga gudbi karaa faquuqa ku dhisan qabyaalada?
- Sidee looga gudbi karaa qabyaalada ama faquuqa?
Cabduqaadir Aadan Cumar “ Qabiilka waxaa loo jidiyeey kaliya in la isku aqoonsado, ma aha mid la isugu faano , waxaa looga gudbi karaa qabyaalada wacyigalin la iska kaashado Dowladda iyo odayaas dhaqanka waa kuwa faquuqa loo tiriyo marka si dhab ah loogu kuur galo taasoo ku tusi karta saamaynta qabiilka uu ku dhex leeyahay bulshada deegaanka oo xitaa la gaaray in wax walba manta lagu saleeyo, taasina waa dhibaato muuqata oo cidna daah ka saarnayn. Sidaas waxaa yiri Cabduqaadir Aadan Cumar oo ka mid ah ururada bulshada rayidka.
Aadan Isaaq Cali, oo ka tirsa dhalinyarada u dhaqdhaqaaqda baabi’inta iyo qabyaaladda iyo haysooca ayaa doodayaasha kula murmay gaar haan Malaaqa. “ in Odayaasha ay yihiin kuwa mas’uulka ka ah wax walba oo xuquuq ah ee lagu waayo qabiil iyo faquuq, waxaan uu Aadan arintaasi ku sababeeye nidaamkii doorashada loo maamulay doorashooyinkii heer federal iyo heer maamul goboleed ee ka dhacay KGS, sidaasi darted waxaa uu ku taliyey in marwalba caddaaladda ay tahay mida kaliya ee looga bixi karo dhibaatooyinka qabiilka iyo isir fiqooqa.”
Malaaq Maxamed Xasan Baroow, oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa iska fogeeyey eedaha loo soo jeediyey oo ku aadan in Odayaasha ay qeeyb ka yihiin qabiilka iyo faquuqa sii baahaya, waxaana uu intaas ku daray in Odayaasha ay yihiin kuwa keliya ee u dhimraya bulshada si looga hortago haybsooca iyo qabyaalada ay sheegeen Cabduqaadir iyo Aadan oo ku aadan qabyaalada iyo faquuqa in bulaalinayaan.”
Dooda oo ahayd mid socotay Saacad iyo rubuc, ayaa hayd mid dhinayada ay si waafi ah uga dodayeen oo ay isweeydaarasanayeen fikradahooda si ku dhisan caqli iyo xikmad iyadoo ay iftiimiyeen in ay qabyaalada iyo faquuqa sida kali loogu heli karo xal waare oo gebi ahaanba looga dhammayn karo bulshada deegaanka tahay, in la sameeyo wacyi gelin ay iska kaashadaan kuli qeeynaha kala duwan ee bulshada, taasina wxaa ay isku raaceen in ay ku imaan karto bulsho ka madax banan qabyaalad iyo fiqooq lagu xuquuq seegi karo.