Baydhabo(WMN)_Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Ayaa Garoonka Kubadda Cagta Baydhowa Kafurey Tartanka Kubadda Cagta Baidoa Cup Waxaana sidoo Kale Goobjoog ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada,Guddiga Kubadda Cagta Baydhowa iyo Xubno Kale.
Wasiir Ali Dhux Mohamed Ayaa Kahor inta uusan Furmin Cayaarta Wuxuu dhiiragaliyey Cayaartoyda Degmada Gaar ahaan Labada Kooxood ee Tartanka Lagu Furey ee Shimiteeri Vs Decoder,sidoo Kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada Aba Awow Sheikh Suufi Oo isna Cayaartoyda Lahadley ayaa Kudhiiragaliyey in Anshaxa ay ilaaliyaan Cayaar Wanaagsana Ay Kucayaaraan Garoonka.
Guddiga Xiriirka Kubadda Cagta degmada Baydhowa ayaa wasaaradda ugu Mahad Naqey Wadashaqeyntooda iyo dadaalka ay kubixineyso Horumarinta Sports Ka.
Ugu dambeyntii Wasiir Ali Dhuux ayaa Baasey Tartanka Baidoa Cup Oo Ay Kaqeyb galayaan 16 Kooxood Oo Kakala Socda Heerarka Kaladuwan ee Magaalada Baydhowa Wuxuuna Socon doonaa Mudo bil ah.
Halka Hoose Ka Daawo Sawirada/ Xaquuqda Sawirada (Musharraf)