Baydhabo Somaliya-{WMN]-mudo 48 saacadood gudohood waxana dhimashada 7 caruur ah inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha Deegaanka Caato Dubad Xasan Cali oo wareysi dhanka khadka telefoonka ah kula yeelanay isagoo ku sugan deegaanka caato ee gobolka abakool.
dhinaca kale kusimaha guddoomiyaha gobolka bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaan ka wareystay xaalada guud ee gobolka bakool iyo shuban biyoodka ka dilaacay deegaanka caato iyo toolooyin kale oo hoosyimaada, guddoomiyaha ayaa isna sheegey in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritey wuxuna baaq u diray Dowlada fedraalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha samafalka oo caafimaad iyo bani’aadanimada ka shaqeeya in ay u soo gurmadaan dadkaan oo markii horeba go’doon ku jirey haatana uu ka dilaacay xanuunka cuddurka shuban biyoodka