Baydhabo(WMN)_Magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga doodaayay qoondada ay haweenka ku leeyihiin siyaasada dalka,
Kulankaan ayaa waxaa soo qab qaabisay wasaarada arimaha gudaha dowalada hoose iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya, waxaana kazoo qeyb galay gudoomiyaha haweenka gobolka baay gudoomiyaha dhalinyarada gobolka baay odiyaasha dhaqanka afayeenka odiyaasha dhaqanka agaasimaha guur ee wasaarada arimaha gudaha dowalada hoose iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed.
Ugu horeentii kulankaan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha haweenka gobolka baay Marwo Muraayo Maxamed iyo Afayeenka Odiyaasha dhaqanka KG Malaaq Deerow Yacquub waxana shegeen in qoondaha haweenka ay leeyihiin in ay si cadaalad ah ay ku helaan madaama ay qeyb kayihiin laf dhabarka bulshada.
Ugu dambeyntii kulankaan dood wadaaga ahaa ayaa waxaa soo xiray agaasimaha guur ee wasaarada arimaha gudaha dowalada hoose iyo dib uheshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Mustaf Sheekh Cabdulaahi Hadafay waxaana uu ku dheraaday dooda ku saabsaneed kulankaan iyo muhiimada ay u leedahay in ay ka qeyb galaan haweenka ku nool gobolka baay gaar ahaan kuwa magalada baydhabo.
Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in haweenka KG ay si xaq ah ay u heli donaan qoondada ay ku leeyihiin siyaasada KG.
Halka Hoose Ka Dhageyso.