Muqdisho(WMN)_Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor-yimid warbixin kasoo baxday Hey’adda NISA, taasoo lagu sheegay in dal shisheeyey uu lahaa qorshaha qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Contol Afgooye.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in waraaqda kasoo baxday NISA ay tahay mid yaab leh isla markaasna ay uga soo baxday illaa Afar qodob. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay Faceboom
Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:
1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.
2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.
3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.
4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.
Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!
Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.
Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.
previous post
Kulanka Aqanka sare oo looga hadlayo xeerka Saxaafadda
You may also like
Xoogaga Ukraine ayaa qaadday weerarkii ugu ballaarnaa abid ee gudaha Ruushka, iyadoo doorashooyin socdaan – BBC World service
September 20, 2026
Maraykanka iyo dalalka carabta ma awoodaan iney werar ku qaadaan jamhuuriyada islaamiga Iiraan? – BBC NEWS
September 20, 2026
Xog dhameystiran Sida uu u geeryooday Munshidka weynaa u geeryooday Cabdulaahi mahdaawi allaha unaxriistee.
September 20, 2026
Dowladda Uganda oo hakisay iskaashigii militari ee Turkiga, iyadoo arrintu saameyn ku yeelan karto amniga Soomaaliya.
September 20, 2026
Ciidanka gumeystaha israaill oo Weerar toogasho ah lagu dilay waqooyiga Ramallah ciidankaas oo xoog ku heysta cariga falastiin.
September 20, 2026
Hogaamiyaha maamulka waqooyi bari soomaaliya oo booqday xarunta taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
September 19, 2026

