C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada hoose.
Ujeedka safarka madaxweyne Lafta gareen ayaa lagu sheegay in ay tahay inuu xariga ka jaro dhismo lagu sameeyay Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Shalay magaalada Baraawe waxaa gaaray wafdi hor u dhac u ah madaxweyne Lafta gareen, iyadoona qaban qaabada soo dhaweynta ay ka socoto magaalada Baraawe.
Ammaanka magaalada Baraawe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka soo gala magaalada lagu arkayo ciidamo badan, kuwaasi oo sugaya amniga magaaladaasi.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo marka uu tago Magaalada Baraawe, maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka