Wafdi ay hogaamineyso wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumada Soomaaliya Marwo Fowziya Maxamed Sheekh ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweyey wasiirada iyo xubnaha la socdey wasiiro, Xildhibaano, Odoyaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah bulshada Magaalada.
Fowziya Maxamed Sheekh ayaa mudadda ay joogto waxaa ay la kulmi doontaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxda Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed,waxayna safarkeeda uu kusoo aadey xili Baydhabo ay ka socoto soo xulista xildhibaanada Barlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.