Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay ,
Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka jenaraal Mohamed Sheekh Abdullahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka dowalad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya.
Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka jenaraal Mohamed Sheekh Abdullahi ayaa sheegay in taliyaha ciidamo u diyaarsan in ay dalka ka saran kooxda al shabaab oo ah kuwa dhiwaateyay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool degaanadaan koonfur galbeed, kuwaasi oo gudoomiyey kala xirayna wadooyinkii ay isku xiraayeen gobolada koonfur galbeed baay` bakool iyo sh. Hoose.
Jenaraal Odowa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada baydhabo, wuxuuna sheegay in safarkiisa qeyb ay ka tahay kormeer lagu sameynaayo ciidamada xooga qeybta 60, aad.
Sid qof kasta oo soomaaliya nabad ugu nolaado taliyaha ayuu wuxuu ku sheegay in ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeyb qataan ladagaalanka kooxda al shabaab.
Ujeedada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo usoo gaarey ayaa waxa ay tahay sidii uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay tababar loogu soo xiraayo Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Bari ah lagu qaban doono Magaalada Baydhabo .
BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)