Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qansaxdhere Mudane Ibraahim Garoon
Aya waxaa u kormeer ku sameyey Goobaha waxbarshada uljeedka kormeerkiisa ayaa waxaa uu ku saabsanaa u kuurgalida Baahida ay qabaaan Bahda Waxbarshada, wuxuuna Booqday dhowr iskuul oo ay kamid yihiin
- Iskuulka faturaxmaan.
- Iskuulka midnimo.
- Iskuulka qansax dheere.
iskuulaadkaan oo baahiyo kala duwan ay qabaan ayaa waxaa uu godoonka waxbarashada waxa u wareystay Maamuliyasaha iyo Macalimiinta, iskuulkaan oo kamid ahaa kuwa uu booqday ayaa waxaa Ka Muuqday Baahiyo gaar ah.Qaarkood mahasytaan kuraas ay ku fadhiistaan ardayda taas badelkeeda Dhulka ayaa ardaydu wax lagu baraa.Wasaarada waxbarshada dowlad goboleedka koonfur galbeed gaar ahaan wasiirka Cusub ayey macalimntu ka codsadeen in ay si deg deg ah ku helaan wax yaabaha aas aasiga u ah waxbarashada.
Dhanka kale Godonka waxbarshada ayaa hay’adaha qaabilsan waxbarashada codsaday in ay gacan ka geestan dib u dhiska goobaha waxbarshada.
By: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)