Wasaaradda Ganacsiga iy warshadaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’adaha EDU iyo UNEDO Ayaa magaalada Baydhabo waxay ku qabteen wajiga koowaad ee tababar ay ka faa’ideysan doonaa ilaa 100 ganacsato reer Koonfur Galbeed ah oo ay ku baran doonaan habka ganacsigooda u hormarin lahayeen.
Wajiga koowaad ee tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb galey wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xil Mohamed Ali Hassan, gadoomiyaha iskaashatada gobolka Bay, madax ka socotey hey’adaha EDU iyo UNEDO fadhigeeda Baydhabo.
Jamiila Haji iyo Hussien Hassan oo ugu ka tirsan mas’uuliyiinta hay’ada EDU ayaa ka warbixiyey tababrkaan.
Gadoomiyaha rugta ganacsatada KGS mudane MOhamed Ali Nor ayaa sheegey iney ka rug ahaan muhiim u yahay ayna ka faa’ideysan doonaan.
Gababadii waxaaa tababarka daahfurey wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mohamed Ali Hassan, isagoo sidoo kale ka hadley muhiimada ganacsiga iyo faa’idada barnaamijkaan,
Waxaa barnaamijka ka faa’ideysan doonaa ilaa 100 ganacsato reer KGS, wuxuuna noqon doonaa ilaa 3 waji.