Ila wareedyo dhinaca ammaanka gobolka ka howlgala oo Reuters u warramay waxay Jimcihi sheegeen inuu Shiinaha badda lagu muransan yahay uu u diray markab saliid iyo gaas ka baaro oo ay leedahay shirkadda Petronas tallaabbadaasina ay Mareykanka ka careysiisay.

Markabka Haiyang Dizhi 8 wuxuu horraantii toddobaadkan uu ku sugnaa Vietnam, halkaasi oo markabkaasi kal hore xilligan oo kalana uu saliid ka baarayey.

“Mareykanka oo warbixin qoraal oo uu digniin ugu dirayo Shiinaha soo saaray wuxuu sheegay Shiinaha inuu in mudda ahba waday tallaabbooyin daandaansi ah.”

 

“Shiinaha waa inuu joojiyaaa dabeecadaha noocani ah ee xiisad iyo xasilooni darro ka abuuri karo gobolka” ayuu yiri Mareykanka.

Wuxuna Mreykanka intaa uu ku diray tallaabbooyinka noocani ah iney waxyeelleynayaan ammaanka ayna wiiqayaan suuqa tamarta ee Hindiya ilaa iyo baasafika.”

Horraanti toddobaadkan xilli uu Markabka uu ku sugnaa dalka vietnam, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu sheegay Markabka inuu howlihiisa caadiga ah watay balse madaxda Mareykanka ay eed aan jirin dusha ka saarayaan Beijing.

Jasiiradda muranka sababta u ah

Shiinaha ayaa ku andaconaya Badda Koonfurta Shiinaha ee kheyraadka qaniga ku ah iney tahay tubta ugu wanaagsan ee ganacsiga loo maro.

Dalalka Philippines, Brunei, Vietnam Malaysia iyo Taiwan waxay eed noocaasi u soo jeediyeen Shiinaha.

Badda Koonfurta Shiinaha ee ay ku murmayaan Shiinaha iyo Mareykanka waxaa sida oo kale lahaanshaheeda sheegta oo mudda badanba isku hayey Vietnam, Malaysia iyo Shiinaha laftiisa.

Laamaha ammaanka dalka Shiinaha waxay sheegeen Markabka Haiyang Dizhi 8 iney galbinayeen ugu yaraan 10 doomah ay ciidamada badda Shiinaha ay leeyihiin.

Sida oo kale waxaa Markabka weyn ee Petronas la socday markab laga leeyahay dalka vietnam.