Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/Hoose.
Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka ay howlgalkaasi ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab iyo xubno la socday.
Ma shaacin taliyaha ciidanka dhulka magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ahaa madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeelah Hoose.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lala qabtay illaa 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka koxoda Al-Shabaab oo la xariira howlgalkaasi.
Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka socda howlgallo ay ka wadaan ciidamada huwanta ee jooga gobolkaasi.