Dowladda Cameroon ayaa qiratay in ciidamadeedu ay dileen ugu yaraan 13 ruux oo shacab ah, kuwaas oo 10 kamid ah ay caruur ahaayeen.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa markii hore in kiray weerarkaas lagu laayey dadka shacabka ah.
Weerarkaas ayaa dhacay bishii Febaraayo ee bilaawgii sanadkan, waxaana geystay ciidamada ammaanka ee ka howlgala waqooyi galbeed dalkaas Cameroon.
Warka ay dowladdu ku qiratay gabood falladaas in ciidamadeedu ay geysteen ayaa laga soo saaray madaxtooyada dalka Cameroon.