Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa walaac ka muujiyay xiisadda dhaqaale dirirka ee Puntland iyo Gobolka Hiiraan, kaddib hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland oo ahaa in ganacsatada Puntland aysan deegaano ka baxsan Puntland u qaadin raashinka qutul daruuriga.
Wasiir Goodax ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ku sheegay inay nasiib darro tahay in mas’uuliyiinta Puntland ay cunaqabateeyaan raashinka daruuriga ee deegaanada isticmaala Dekeda Boosaaso.
“Tallaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii curyaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland”ayuu yiri Wasiir Goodax.
Wasiir Goodax ayaa ugu baaqay Puntland inay dib uga fiirsato inta Ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta maamulka Gobolka Hiiraan duldhigin cunaqabateyn dhaqaale.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada ku yaalla Bartamaha Soomaaliya oo raashinka qutul daruuriga uga yimaada dhanka Dekeda Boosaaso, waxaana hadalka Madaxweyne Deni si weyn uga soo horjeestay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.