Wararka aanu ka heleyno Magaalada Beled/Xaawo ee Gobolka Gedo ee xiga xuduuda ay wadagan Soomaaliya iyi Itopiya ayaa kusoo waramaya in Magaaladaas maanta ay soo gaareen Taliyaasha Ciidama Meletiriga iyo sidoo kale Sirdoonka Dalka Kenya ,kuwaas oo ujood koodu ahaa sidii xal looga gaari lahaa xiisadda Saacadihii lasoo dhaafay ka taagneyd duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo .
Taliyaha Ciidamada Meletiriga ee Dalka Kenya ee magacooda loosoo gaabiyo KDDF iyo sidoo kale Taliyaha sirdoonka ew Dowladda Kenya ayaa kulan waxa ay la qaateen Odayaasha dhaqanka ,Maamulka Degmada Beledxaawo iyo sidoo kale Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Beledalxaawo .
Labada dhinac waxa ay kawada hadleen sidii xal loogu helilahaa shaqaaqo ka dhacdey Magaalada Beled/xaawo taas oo dhex martay Ciidamada Kenya iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed islamarkaana saameyn badan ku yeelatay Deegaanda Xuduuda ah ee ay wadaagan labada Dowladood labada dhinac waxa ay isku afgerteen in xal waara lagu soo badaalo Deegaano Udhaxeeya Labada Dowladdood ee ay wax ka dhaceen ee udhaxeeya Labada Dowladood islamarkaana laga wada xaajoogo wixii sababay Shaqaaqadi ka dhacdey Degmada Beledxaawo islamarkaana dhex martay Ciidama Dalka Kenya iyo kuwa Xooga Dakka Soomaaliyeed waxayna Saraakiisha Keynya Balan qaadeen in tilaabo adeg laga qaadi doono ciddii dhan kooda ay ka timaado xad gudub ka dhan ah Amniga Deegaanda Xiga xuuduuda ee hoos yimaada Degnada Beled/xaawo
dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ayey ka Codsadeen in ay tilaabo adeg ay dhan kooda ka qaadaan ,ciddi loo arko in ay dib usoo celinayso xiisaaddii ka taagnay inta udhaxeyso Magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheeraa oo dhacda Xuduuda labada Dowladood ay wadaagaan .
Gudoomiyaha Degmada Beled/xaawo Axmed Barre Sh C/laahi oo lahadlay Idaacad Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegey in dhinacyadu ay isla fahmeen dhaamaan Qodobaddi lagu wada hadlay iyo in xal waara laga gaaro xiisaddaas waxa uuna sheegey inDowladda kenya Saraakiishii ka socotay ee kala ahaa Taliyaha Ciidama KDF iyo sidoo kale taliyaha Ciidanka Sirdoonka ay usoo jeediyeen in tilqqbo adeg laga qaado Wasiirka Aminga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan iyo Ciidankiisa ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxa uusa Xusay in Saraakiishu Balan qaadeen in ay xakameynayaan Dhaqdhaqaaq Ciidamada Jubbland ee ku sugan Magaalaada Mendheera .
Hadalka Gudoomiye Axmed Barre ayaa ku soo adaayo ayadoo muddooyinki dambe ay Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo ka socdeen Magaalda Beledxaayo iyo sidoo kale Deegaano kale oo ka Tirsan Gobolka Gedo kuwaas oo ay wadeen Ciidamo ka kala Socda Kenya iyo Itoopiya aygoona halkaas ka waday Falal lildi ku ah Aminga Deegaanada Gobolka Gedo