Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay cabai ku saabsan fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Dadka ku nool Magaalada Beledweyne qaarkood ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Keliga Waraabe ee Baladweyne uu Biyo badan keenay,taas oo cabsi gelisay dadka Magaalada.
Sidoo kale maalmihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ka curtay Roobkii Guga taas oo keentay in Wabiga uu biyo badan keeno.
Qaar kamid ah dadka degan Xaafadaha ku dhow dhow Jiinka Wabiga ayaa la sheegay inay bilaabeen inay ka guuraan si uusan waxyeelo ugu geeysan hadii uu Wabiga fataho.
Sanad kasta Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ballaaran waxaa uu ka geystaa Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne,waxaana dadka badi ay u barakacaan dhinaca deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne