Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shir dhinaca Internet-ka ah la qaatay Safiirka Dowladda Uk u fadhiya Soomaaliya Ben Fender iyo Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Uk Daman Bristow.
Shirka ayaa waxaa ay labada dhinaca uga wada hadleen saameynta uu Cudurka Coronavirus ku yeeshay dhaqaalaha Soonaaliya iyo qodobo kale,sida uu sheegay Wasiir Beyle.
“Waxa aan shir ku saabsan saameynta Covid 19 ee dhaqaalaha Soomaaliya la yeeshay Safiirka Dowladda Uk u fadhiya Soomaaliya Ben Fender iyo Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Uk DamanBristow”
Wasiir Beyle ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Uk sida ay u garab taagan tahay isbadalka Maaliyadda iyo dadaalada kale ee ay Soomaaliya ku caawineyso.