Jeneral-ka fallaagada ah ee dalka Libya Khalifa Haftar ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu haysto โsharciyadda dadkaโ ee ah inuu dalka hogaamiyo, isaga oo sheegay inuu soo geba-geboobay heshiis siyaasadeedkii la gaaray 2015, wacadna ku maray inuu sii wadi doono weerarka uu ku qabsanayo magaalada Tripoli.
Khudbad uu ka jeediyey taleefishinkiisa Libya ee Al-Hadath TV, ayaa Haftar waxa uu ku sheegay in ciidankiisa isku magacaabay โCiidanka Libyaโ ay โku faraxsan yihiin in la siiyey sharciyad taariikhi ahโ oo ay ku hoggaaminayaan Libya.
โWaxaan ku dhowaaqeynaa aqbalaadda rabitaanka iyo amarka ramsiga ee shacabka ee ah inaan soo geba-gebeyno Heshiiska Skhirat,โ ayuu yiri isaga oo ka hadlaya heshiiskii 2015 ay QM dhex-dhexaadisay ee lagu soo dhisay dowladda Heshiiska Midnimada Qaranka (GNA).
Haftar ma uusan sheegin in baarlamanka ka dhisan Bariga dalka Libya, oo saxiixay heshiiska, ay taageersan yihiin tallaabada uu qaaday iyo waxa uu mustaqbalkoodu noqon doono.
Haftar ayaa sheega inuu sharciyad ka haysto maamul ka dhisan bariga dalka Libya, wuxuuna bishii April billaabay weerar uu magaalada caasimadda ah ee Tripoli ee galbeedka ku taalla uga qabsanayo dowladda lagu dhisay heshiiska midnimada.
Hase yeeshee la-taliyaha dowladda GNA ee QM ay aqoonsan tahay ayaa diiday khudbaddii Haftar ee Isniintii.