Madaxweynihii hore dalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta dacwadda kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay taariikh la xirriirta sida ay dacwadda badda ku bilaabatay iyo sababta ay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ay u geeyeen.
“Bishii Agoosto 2014-kii ayaan gaynay dacwadda maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ, sababta aan u gaynayna waa laba jeer ayaa waxaan isku daynay inaan barigaas ka wada hadalno inta aanay dacwad gaarin, labdii marba waa la isla keeni waayay, haddii marka la isla keeni waayay waxaa Soomaaliya u furnayd in dacwad la geeyo maxkamadda ICJ.” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale sheegay in intii uu kiiska maxkamadda taagnaa aysan Kenya iyo Soomaaliya aysan dhexmarin wax cilaaqad ah.
“Intii uu kiiska badda socday wax cilaaqad ama war xuma ah oo na dhexmaray ma jirin.”
“Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in qadiyadda badda ay weli taagantahay meeshii aan afar sano ka hor uga tagnay, saddex jeer ayaana dib loo dhigay, wax cadayn ahna kama hayna in dowladdeena ay diidanayd dib u dhigista dacwadda badda.”
Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
War kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.
Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.
Halkan Ka dhageyso hadalka Xasan shiikh
Madaxweyhii hore ee soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo ka hadlay dib u dhigista dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya
Posted by Mustaqbal TV on Wednesday, May 20, 2020