Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo xalay saqdhii dhexe ka kala dhacay degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobolada Sh/Hoose, Baay & Jubbada Hoose.
Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymaha lala beegsaday Xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose,isla markaana lagu dilay Xubno uu kamid yahay Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Abuu mucaad.
Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegen in duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Buula fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaankaas.
Dhinaca kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in isla xalay duqeyn saddexaad ay ka dhacday Xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame iyo deegaanka Haway ee gobolka Jubbada Hoose,isla markaana lala beegsaday Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliska Howlgalka Mareykanka ee loo yaqaano Africom oo kaashanaya Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaar duqeymo waxaa ay ka fuliyaan deegaano ka tirsan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,kuwaas oo ay sheegaan inay ku dilaan Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.