Guddiyada Joogtada labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Federaalka Soomaliya ayaa goordhow waxaa uu kulan uga furmay Xarunta Golaha Iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa isla maarkaana ay Shir Guddoominayaan Guddoonka Labada Aqal.
Kulanka ayaa ooga hadlayaa Xilliga Rasmiga ee la furayo Baarlamaanka Soomaliya iyo xilliga loo yeerayo Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana Guddiyada ay shaaciyeen Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka.
Guddiga ayaa sidoo kale waxaa ay shaaciyeen in 27 bisha June ee soo socota ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) hortegi doonto Baarlamaanka si looga dhageysto Warbixinta la xiriirta doorashada Soomaaliya.
Dad u badan Siyaasiyiin ayaa waxaa ay isha ku hayaan warbixinta ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ka horjeedin doonto Baarlamaanka si ay u shaaciso nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka.