Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal lagu baacsanayo Al-Shabaab ka fuliyay tuulooyin hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose
Tuulooyinka Buulo Arundi iyo Busleey oo hoostaga degaanka janaale ayey ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Howlgalka.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta Ciidamadda ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Howlgal ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga Janaale lagu dilay in ka badan 20 la tirsan Al-Shabaab
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa Sheegay in Howlgalka lagu bur buriyay Doomo ay Shabaab iskala gudbi jireen gudaha wabiga shabelle.