Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu dib u dhigay shirka (G7) oo lagu waday in dhammaadka bisha Juun uu ka dhaco Mareykanka, dib u dhigista ayaa lagu sheegay in uu Trump ku doonayo in uu ballaariyo waddamada ka soo qeybgalaya, si ay qeyb shirka uga noqdaan waddamada Ruusha, Australia iyo Hindiya.
Isagoo war-fidiyeenada la hadlayey mar uu dib uga soo laabtay gobolka Florida ayuu Trump sheegay
“Waxaan dib ugu dhigay sababtoo ah waddamada (G7) ma matalayaan waxa hadda dunida ka dhacaya”
Madaxweynaha Mareykanka ma uu san xusin waqtiga uu qabsoomayo shirka.
Go’aankan waxa uu muhiim u yahay Trump, maadaama uu doonayo in uu martigeliyo shirka waddamada warshadaha ku hormaray, taas oo muujineysa in Mareykanku uu ku soo laabtay xaalad caadi ah, kaddib aafadii weyneyd ee COVID-19 oo Mareykanka oo qura ay ugu nafwaayeen in ka badan 100,000 oo qof.
Goor sii hoorreysay Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel aya diidday casuumaad ay ka heshay Trump oo ah ka soo qeyb-galka shirka G7.