Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta gareen ย madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay, magaaladda Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan howlgallo, kuwaas oo ย la isugu furi doono wadooyinka ay goโdoomiyeen Al-Shabaab ee ka tirsan gobolka Bakool
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegay in qorshahan uu yahay mid loogu tala galay, sidii Al-Shabaab looga saaari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koofur Galbeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in si deg deg ah ay u bilaabi doonaan hawlgalladaasi.
Hadalka madaxweyne Lafta gareen ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan uu sheegay in howlgal la isugu furi doono wadooyinka xiriiriya magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
