Waxaa magaalada Djibouti ku soo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay furmaan kulamo farsamo ah, sida uu Warbaahinta u sheegay ilo wareed diblomaasi ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin kuna sugan Djibouti.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in aaney jirin waqti loo cayimay in wadahadalladan lagu soo afjaro, balse ay wadaadaladu furan yihiin.
Shirkan oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wufuud kala duwan oo ka kala socday Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, iyo raβiisulwasaaraha dalka Ethiopia, Aby Axmed.
Markii uu shirkani soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo kulankan ku tilmaamay fursad qeyb ka ah nabadeynta Soomaaliya.
βHaddaanu nahay reer Jabuuti, waxaan had iyo jeer ku rajo weynahay in walaalaheenna Soomaaliyeed ay heli doonaan waddo ay ku wada shaqeeyaan, mar walbana waan idin garab taaganahay si aan u caawino kobcinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee dan u ah qof walba,β ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay Raβiisulwasaare Aby Axmed oo sheegay in meelo dunida ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waaweyn kuwa dhexyaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda.