Dowladda Jabuuti ayaa bayaan ka soo saartay wejigoodii 1aad wadahadalada, oo Maqribnimadii xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Djibouti ee Xaruntaasi dalkaasi.
Wadahadalada oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa bayaanka ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti lagu sheegay in labada dhinac ay isku waafaqeen in guddiyo farsamo ay sii amba-qaadaan wadahadalada, kuwaa oo ka sii socon doono dalkaasi Jabuuti.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale ku heshiiyeen inaanan la siyaasadeen kaalmada horumarineed iyo midda maalgashiba.
Sida bayaanka ku cad waxaa Beesha Caalamka loogu baaqay in ay taageeraan hannaanka wada xaajoodka ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
TARJUMAADDA WAR-MURTIYEEDKA WADAHADALLADA DFS IYO SOMALILAND EE JABUUTI
WAR-MURTIYEED
Iyada oo ku timid dadaal uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo hoggaamiyayaasha gobolka ee ay ka mid yihiin
Mudane Abiye Axmed Cali Raโiisul Wasaaraha Itoobiya
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland
Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland
Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka
Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay
Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac
Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal
Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka qaaradda iyo heyโaddaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan
Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June 2020