Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka cabanaya mushaar laโaan bilooyin ah.
Sida wararku sheegayaan ciidankan ayaa xirtay Daljirka Dahsoon illaa wadada dhanka Xaawo Taako oo ah koontaroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Ciidanka ayaa ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka, waxaana waxaana ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga ee qeybta 27aad ayaa sheegay in muddo sanad iy9 bilooyin aanan la siinin wax mushaar ah oo ahaa xaqooda.
Ciidankan ayaa ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan oo ah qeybta 27aad.