Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa ku eedeysay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii in uu faragalin milatari ku hayo hayo dalka Liibiya.
Al-Siisii ayaa Sabtidii shalay uga digay ciidanka xukuumada Liibiya in ay ka gudbaan deegaanada ay ka qabsadeen maleeshiyada Mucaaradka.
Hogaamiyaha Masar ayaa marar badan ay ku dhaliishay xukuumada Tripoli in uu qeyb ka yahay wadamada qeybta ka ah xasilooni darrada ka taaqan dalka ku yaal waqooyiga qaaradatan Afrika.
Mr Siisii oo booqasho ku tagay garoonka ciidanka cirka ee Matruux oo ku yaal xadka Masar iyo Liibiya ayaa carab dhabay suuragalnimada in Liibiya ay u baahan tahay xiligaan faragalin caalami ah iyo ciidamo ka shaqeeya Xasiloonida.
Cabdiraxmaan Shaatir oo ka tirsan mas,uuliyiinta xukuumada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa ku hanjabay in dalkiisa aqbali doonin faragalinta Masar.
Xukuumada Qaahira ayaa ka mid dalalka taageera Janaraal Khaliifa Xaftar ee wata maleeshiyada ku sugan Bariga Liibiya.
Dowlada Masar oo looga digay faragalinta ay ku heyso dalka Liibiya
previous post