Qaraxyo is xig xigay ayaa saakay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan. Qaraxyada ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlay degmadaasi.
Qaraxyada oo ka dhashay miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu sii diyaariyay qaybta nasashada ee Garoonka Buulo Barde, ka dib markii dhawaan uun la dhisay.
Qaraxyada ayaa dhulka la simay dhismihii nasashada, inkastoo aysan jirin cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay qaraxyadaasi, sababo ku aadan qaraxyada oo dhacay xilli hore.
Muuqaalo laga soo qaaday goobta la beegsaday ayaa muujinaya burbur xoog lihi oo ka soo qaraxyadii lagu dhex aasay.
Garoonka Buulo Barde oo ka mid ah goobaha aadka amnigooda loo ilaaliyo ayaa su’aal la iska weydiinaya, sida ay ku suurtagashay in qaraxyo ceynkaasi oo kala ah gudaha loogu geliyo garoonkaasi.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaan weli ka hadlin qaraxyada gilgilay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Buulo Barde.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay Degmada Buulo Barde.
Buulo Barde ayaa gacanta Dowladda Somaliya soo gashay bishii March ee sanadkii 2014, ka dib markii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.