Maalintii sedexaaad ayaa Waxaa kontoroolka magaalada baydhabo bakiin ee laga soo galo magaaladda Baydhabo ku xaniban isu socodka gaadiidka ganacsida iyo kuwa xamuulka Qaada kuwaas oo isku kala goosha gobaladda gobaladda dalka.
Gaadiid badan ayaa ku xaniban Koontaroolka bakiin ee duleedka magaaalada baydhabo kuwaas oo loo diiday inay u gudbaan magaaladda gudaheeda iyo gobaladda kale.
Baabuurta kasoo baxday muqdisho iyo kuwa ka yimid gobalka shabeelaha hoose ayaa halkaas ku go’doonsan, waxaana ku sugan goobtaasi ciidamo ka tirsan maamulka koonfur galbeed oo gaadiidka ishor istaagay ayagoona kusoo rogay canshuur xad dhaaf ah.
Qaar kamid ah darawallada oo la hadlay Barnaamijka Kulanka Warsan waxay sheegeen in weli maalintii sedexaad ay baabuurtu ku xaniban tahay magaalada Kontoroolka laga soo galo baydhabo.
Waxay sheegeen in arrintaan ay saameyn adag ku yeelatay howlahooda, islamarkaana laga diiday inay u gudbaan magaalada baydhabo iyo magaalooyinka kale oo ay ku sii jeedeen.
Dhanka kale, waxaa jirta baabuur shixnado ganacsi sida oo ka yimid gobalka Benaadir kuwaas oo u soo jeeday gobaladda Baay Bakool Gedo hase yeeshee halkaa ku xaniban.
Maamulka koonfur galbeed ayaana weli kahadlin eedeenta loo jeediyay in ay canshuur xad dhaaf ah kusoo rogeen gaadiidleyda Qaadda xamuulka.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba ayaa waxaa ka taagan dhibaato weyn taasi oo ah in ciidamada Millatariga Soomaaliya ay soo dhigteen Isbaarooyin badan.
Gaadiidleyda ka shaqeeya wadada waxaa ay tilmaameen in ciidamada ay ka qaadaan lacago badan oo aan sharci aheyn iyada oo ay sii dheertahay dil iyo Kufsi loo geysto dadka Shacabka ah ee saaran Baabuurta.
Wadayaasha gaadiidka waxay caddeeyeen in is baarooyinka la soo dhigay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo looga qaado lacag dhan 5- kun oo doolar,taasi oo aan sharci aheyn islamarkaasna aan wadan Boono waa sida ay sheegeen.
Waxaa xusid mudan Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisulwasaare Kheyre safar ay ku tageen Baydhabo waxay u ballan qaadeen shacabka goboladda gobaladda Baay iyo bakool in gabi ahaan la qaadi doono isbaarooyinka yaallo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, balse taas badalkeeda waxaa kordhay tacadiga loo geysto dadka Shacabka ah ee ku safra wadada sida ay sheegeen wadayaasha gaadiidka.
Halkan hoose ka dhageyso wareysi aan layeelanay Bashiir cali oo katirsan gaadiidleyda ku xayiran bakiin