Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay burburiyeen xarun isgaarsiineed oo ku taal deegaanka Korakora Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay saxaafda u sheegeen in ku dhawaad 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Xaruntaas,isla markaana dagaal kooban uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay Xarunta la burburiyay.
Lama sheegin wax khasaaro nafeed oo ah oo ka dhashay dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Booliska Kenya & Al-Shabaab.
Taliyaha Booliiska gobolka waqooyi Bari Kenya Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada ka socda aagga uu weerarka ka dhacay si wax looga qabto amni darada jirta degaankaas.
Ururka Al-Shabaab ayaa hore weeraro ku qaaday xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Kenya.