Dawalada Jabuuti ayaa agab daawooyin ah waxa ay ugu deeqday dawlada Soomaaliya, iyadoo daawadaasina ay maanta ka degtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Deeqdab daawada ah ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne si loogu caawiyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Beledweyne.
Goobta daawada lagu wareejinayay ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Caafimaadka gobolka Hiiraan Dr Axmed Maxamed Khaliif iyo agaasimaha dhawaan la magacaabay ee Isbitaalka Guud ee Beledweyne Dr Saleebaan iyo masuuliyiin kale oo fara badan.
Wasiir Dr Axmed ayaa uga mahadceliyay dawlada Jabuuti deeqdan ay maanta soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.