Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay doorashada 2020/21 ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.
“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin, sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirada ka qaybgalay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadargelinta, fududeynta iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho umadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumaduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay, si umadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladaan